Dowlada Zambia ayaa la wareegtay maydka madaxweynihii hore ee dalkaasi oo muddo 10 bilood ah ay qoyskiisa iyo dowladu ku muransanaayeen halka lagu aasayo maydkiisa.
Edgar Lungu oo ku geeriyoodey xarun caafimaad oo ku taalla dalka Koonfur Afrika 5-tii bisha June ee sanadkii hore, ayay dowlada dalkaasi doonaysay in lagu duugo goobta lagu aaso madaxda qaranka oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Lusaka, halka qoyskiisuna doonayeen iney ku aasaan meel iyaga u gaar ah.
Qoyska madaxweynaha geeriyoodey ayaa diidanaa inuu aaskiisa hogaamiyo madaxweynaha haatan oo ay si weyn siyaasada isugu hayeen ninka geeriyoodey, iyadoo Maxkamadd ku taalla dalkaasi ay xukuntay in si heer qaran ah loo aaso ninkaasi, taasi oo uu madaxweynaha dalkaasi kasoo qaybgalayo laguna aaso goobta lagu duugo madaxda ee Embassy Park.
Edgar Lungu oo dalkaasi hogaaminayay intii u dhaxaysay sannadihii 2015 ilaa 2021 ayaanay weli qoyskiisu war kasoo saarin xukunka maxkamadda.

Leave a Reply