Shir heer caalami ah ayaa maanta ka furmay magaalada Addis Ababa, kaas oo diiradda lagu saarayo maamulka badda iyo xoojinta iskaashiga dalalka gobolka.
Shirka, oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Arrimaha Dibadda (IFA), ayaa ah kii afraad ee sanadlaha ah ee Red Sea and Gulf of Aden Dialogue (RESGA IV), waxaana lagu qabtay hoteelka Skylight.
Waxaa ka qaybgalaya masuuliyiin sare, diblomaasiyiin iyo khubaro ka kala socda dalalka gobolka iyo kuwa caalamka, kuwaas oo ka wada hadlaya amniga gobolka, isku xidhka dhaqaalaha iyo horumarinta maamul badeed loo dhan yahay.
Doodaha shirka ayaa sidoo kale xoogga saaraya muhiimadda iskaashiga u dhexeeya dalalka Geeska Afrika iyo kuwa Gacanka, si loo xoojiyo isku xidhka marin-biyoodka iyo horumarinta danaha wadajirka ah.
Madashan ayaa la filayaa inay door ka qaadato xoojinta wada-hadalka, kobcinta ganacsiga iyo hagaajinta xidhiidhka dalalka gobolka.

Leave a Reply