DEG-DEG: Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo kordhin 2 sano iyo 3 bilood ah u sameeyay Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.
Xukuumadda Somaliland oo xabsiga dhigtay nin laga shakiyay xirfaddiisa caafimaad oo u dhashay dalka Masar.
Warbaahinta BBC Chinese ayaa sheegtay in Somaliland ay si isa soo taraysa u noqotay meel istaraatiiji ah oo ay daneynayaan quwadaha sida Mareykanka, Taiwan iyo dalal kale, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo ganacsiga. Goobteeda juqraafiyeed ee ku dhow marinka Bab al-Mandeb iyo dekedda Berbera ayaa ka dhigaya mid muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah. Sidoo…
#Sawirro: Tababar muddo 4 cisho ah u socday Hablaha Sharciyaqaannada ah ee Qareennada iyo xeer-ilaalinta oo ka kala socday gobollada dalka oo dhan ayaa maanta loogu soo xidhay magaalada Hargeysa. Tababarkan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Qareenada Haweenka Somaliland ee SWLA oo ay ka taageertay haayada UNWOMEN
Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay sharci mamnuucaya isticmaalka baraha bulshada ee carruurta ka yar dadoodu 15 sano jirka . Sharcigan ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu ilaalinayo carruurta, laguna xakameynayo saameynta ay baraha bulshada ku yeelan karaan daโdooda yar.
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo 81 jir ah ayaa sheegay inuu joojiyay cunista bariiska ku dhowaad 50 sano, isaga oo dadka ku dhiirrigelinaya inay dib ugu laabtaan cunnooyinka dhaqanka Afrikaanka ah oo uu ku tilmaamay kuwa sababta u ah xooggiisa iyo caafimaadkiisa. Ninkani ayaa muddo 40 sanno ah ka talinaya dalka Uganda, wuxuuna xilka…
#Sawirro: Sheekh Mustafe X Ismaaciil Haaruun oo Jaamacadda Hargeysa ka jeediyay Muxaadiro cinwaankeedu yahay: “Aqoon aan hanuun lahayni waa hub aan cidna u tudhin”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta safar shaqsi ah ugu ambabaxay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Dowlada Zambia ayaa la wareegtay maydka madaxweynihii hore ee dalkaasi oo muddo 10 bilood ah ay qoyskiisa iyo dowladu ku muransanaayeen halka lagu aasayo maydkiisa. Edgar Lungu oo ku geeriyoodey xarun caafimaad oo ku taalla dalka Koonfur Afrika 5-tii bisha June ee sanadkii hore, ayay dowlada dalkaasi doonaysay in lagu duugo goobta lagu aaso madaxda…
Afhayeenka ciidanka Iiraan ayaa sheegay in Mareykanka, gaar ahaan Donald Trump, ayna ahayn kuwo lagu kalsoonaan karo. Wuxuu sidoo kale xusay in ciidamada Iiraan ay diyaar u yihiin inay si degdeg ah uga jawaabaan xaalad kasta, isagoo yidhi โgacmaheenna waxay saaran yihiin keebabka hubkayga.โ Hadalkaasi ayaa muujinaya xiisad militari oo weli taagan, inkastoo ay jiraan…